ChatCrawlersearch across public Telegram Open the app
G

Gruupka sports edityada

сообщение · 2026-08-10 17:05 UTC
I
Фотография
click to show
Hadallada garsooraha Soomaaliyeed Omar Artan ka hor inta uusan dhex-dhexaadin ciyaarta UEFA Super Cup: “Waxay ii ahayd xilli aad u adag kadib markii aan awoodi waayay inaan u safro Maraykanka si aan uga qayb galo Koobka Adduunka, laakiin waxaan aad u qadarinayaa taageeradii weynayd ee aan ka helay dadka adduunka oo dhan.” “Markii aan helay warka ah in la ii magacaabay inaan garsooro ciyaartan, waxay ahayd farxad weyn aniga iyo qoyskaygaba.” “Waxaan ku soo koray duruufo aad u adag, laakiin taasi igama hor istaagin inaan xaqiijiyo riyooyinkayga. Si adag ayaan u shaqeeyay, waana ku faanayaa halka aan maanta soo gaaray.” “Waa sharaf weyn aniga iyo garsoorka Afrika in naloo dhiibo garsooridda finalkan. Heerka garsoorku halkaas aad buu u sarreeyaa, waxaana garsoorka Afrika iyo kan Yurub ay wax badan iska baran karaan oo midba midka kale ka faa’iidaysan karaa.
219 ·

Вся лента · оригинал в Telegram

Open in Telegram Каталог площадок Искать в ChatCrawler

A snapshot of an open public feed from the search index ChatCrawler — “Google for public Telegram”; refreshed as the venue is crawled. Times are UTC.

Public content only, official Telegram API. About · FAQ · What we do not do · Remove a page · Catalog